Soomaali

Minnesota Bilingual Seals (MN SEALS) waa aqoonsi waxbarasho oo sanadkii 2014 si rasmi ah loogu ansixiyay sharciga lagu magacaabo “Learning English for Academic Proficiency and Success (LEAPS) Act”. Shahaadooyinkaas (seals ama certificates) waxaa la siiyaa ardayda ka qalin jabisa dugsiyadda sarre ee gobolka Minnesota sidoo kalena gaadha buundooyinka luuqadda ingiriisiga ee looga baahanyahay si ay u qalin jabiyaan.

“Seals”-ka waxaa lagu bixiyaa caddayn sheegaysa heerka aqooneed ee ardaydu u leeyihiin luuqadaha iyo dhaqamadda kala duwan sidoo kalena wuxuu kobciyaa codsiyadda ay ku dalbanayaan shaqooyinka iyo College-yadda. Barnaamijkan Seals-ku wuxuu ardayga u fududeeyaa inuu hello buundooyin (credits) college oo bilaash ah. Seals-ku wuxuu dhiiri galiyaa barashadda luuqaddaha badan iyo is dhex galka dhaqan ee gobolkeena.

Ardayda, Waalidiinta, Macalimiinta, iyo Maamulayaashuba waxay ka heli karraan Website-kan macluumaad ku saabsan barnaamijanka “Minnesota Bilingual Seals” -ka kaas oo  loogu tala gallay in lagu kobciyo sinaanta iyo helitaanka wixii abaal marin ah. Website-kan waxaa uu taageero ka hellaa qoondadda lacageed ee “Title VI Language Resource Center grant” ee lasiiyo xarunta cilmi baadhista barashadda luuqadaha ee lagu magacaabo “Center for Advanced Research on Language Acquisition (CARLA) taas oo ka tirsan jaamacadda Minnesota wadda shaqaynna la leh wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Minnesota.